DAAWO: ”Waxaan ahay 55-jir, ma guursan, da’dii carruur dhalistana waa dhaafay!” – Haweenay ka shallaaysay Feminism-ka

0

(New York) 26 Nof 2019 – Gayfane caan ah oo Maraykan ah oo haweenka aad ugu doodi jirtey ayaa sheegtay inay mar ay xeero iyo fandhaal kala dheceen ay ka war heshay in Feminism-ku yahay wax la isku dago (scam).

Candace Owen ayaa sheegtay in aragtida Feminism-ku aanu ahayn mid sare loogu qaadayo awoodda haweenka, sida la sheegto, balse ay tahay mid looga faa’iidaysto, sidaa darteed, waxay sheegtay inay bedeshey moowqifkeedii.

Candace Owens ayaa la hadlayay koox dhallinyaro ah oo haween ah, iyadoo ka sheekaynaysey inay ahayd haweenay aragti ahaan Liberal Democrat ah. Waxayna sheegtay inay garowsatey in Feminism uusan koob waarikoow ah agteeda ka goyn.

Candace oo 30-jir ah ayaa ka sheekaysay gabar saaxiibadeed ah oo guumaysoowdey intii ay doodahan ku jirtey, isla markaana guur dhaaftay iyadoo haatan 55-jir ah, waxayna sheegtay inay saaxiibteed haatan ka shallayso carruur la’aanta haatan haysa iyo saamayntii xumayd ee ay kala kulmi jirtey dawooyinkii ay qaadan jirtey si aanay carruur u dhalin.

“Waqti dambe ayaan ogaadey in Feminism-ka la isku dago. Maanta waxaan ahay 55 jir, ma guursan, waana dhaafay da’dii aan carruur ku dhali kari lahaa. Hadda dawo ayaan qaataa si aan farxad macmal ah iskaga dayo, taasi waa dhagarta Feminism-ka,” ayay Owen oo haweenayda soo xiganaysaa u sheegtay Kulanka Hoggaanka Dhallinyarada Haweenka Maraykanka ee Young Women’s Leadership Summit.

Ms Owen ayaa soo qaadatay dhowr fannaan iyo jilayaal haween ah oo ay sheegtay inay yihiin kuwa gabdhaha ka dhaadhicinaya rajo dhaan dabagaalle ah oo ku salaysan inaysan ”nin u baahnayn.”

Hadalsame Media