DAAWO: Gabar Soomaali ah oo rikoodh naadir ah ka dhigtay Maraykanka

0

(Minneapolis, MIN) 26 Nof 2019 – Dr. Jokho Farah, MBBS, oo ahay Maareeyaha Quality and Population Health ee Minneapolis, ayaa waxaa loo doortay Madaxwaynaha Jimciyadda Wadnaha Maraykanka ee American Heart Association qaybta magaalooyinka mataanaha ah.

Waxa xiisaha lihi waa inay sidaa rikoodh ku dhigtay, iyadoo noqotay haweenaydii ugu horreeysey ee madow ah ee xilkaa qabata iyo guud ahaanba qofkii ugu horreeyay ee Soomaali Maraykan ah oo halkaa ka gaara Guddigan.

“Waxaa sharaf noo ah in nalaku hoggaamiyo aragtida iyo khibradda Dr. Farah,” ayuu yiri Justin Bell, oo laftiisu ah Madaxwayne Xigeenka American Heart Association qaybta Magaalooyinka Mataanaha ah.

Dr Farah oo Guddiga Fulinta ka mid ahayd tan iyo 2017-kii ayaa  xilkan haynaysa muddo 2 sanadood ah, waxayna ku biiraysaa oo maamulaysaa Guddi ka kooban 21 xirfadle caafimaad oo ah culumo taqaanna dawaynta wadnaha.

Hadalsame Media