Wasaaradda Beeraha oo ”been abuur” ku tilmaantay daraasad ka dhan ah dalagyada Somalia (Caddayn?)

0

(Muqdisho) 23 Nof 2019 – Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya iyo Iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah uga horyimid daraasad ay ku sheegeen mid khaldan oo Jaamacad ku taala Waqooyiga Ireland ku sheegtay in cuduro laga helay Galleyda iyo Masagada Dalkeenna.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya aya lagu cadeeyay in dalagyada dalkeena ay yihiin kuwa dabiici ah (organic) isla markaana warbixinta la soo saaray ay tahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo u waramay Radio Muqdisho ayaa been abuur ku tilmaamay daraasaddda sheegeysa in Galleyda iyo Masagada dalkeena laga helay cuduro.

Wasaaraddu ma keenin wax caddayn ah oo ay warkeeda ku taageerayso marka laga reebo inay kaliya been abuur ku tilmaantay daraasadda.

Hadaba halkan guji si aad u hesho War-saxaafadeedka

Hadalsame Media