DAAWO: Kangaroo abaal badan oo hab kala daasha dadka xannaaneeya!

0

(Alice Springs) 23 Nof 2019 – Xayawaanka loo yaqaanno Kangaroo oo laga helo jasiiradda wayn ee Australia ayaa ah xayawaan lagu yaqaanno abaal iyo dareen, isagoo barta xiriir caadifi ahna la yeesha dadka xannaaneeya.

Queen Abi waa mid ka mid Kangroo xayn ah oo lagu xanaaneeyo xero ku taalla Alice Springs, waxayna xiriir aan caadi ahayn la leedahay dadka halkaa ku haya.

Waxyaabaha ay Abi caanka ku tahay waxaa ka mid ah inay hab siiso shaqaalaha goobta ka shaqeeya iyadoo xitaa mararka qaar shumisa, kaddib markii ay halkaa ku noolayd in ka badan 10 sanadood.

Guud ahaan, waxaa sii kordhaya tirada Kangaroo-ga, iyadoo ay dadka Australian-ku bilaabeen inay iibiyaan hilibkeeda, maqaarkeeda iwm, waxaana hadda sanadkii kasoo xarooda $29 milyan oo doollar, iyadoo abuurta shaqooyin gaaraya 4,000 oo shaqo.

Hadalsame Media