Micnaha diintu ka MUG wayn meel ay laba wadaad ku MURANTO (Akhri sheekadan lagu arkay Turkiga)

0

(Hadalsame) 22 Nof 2019 – Ila muranta aanan macnaha badan ku dhisneen ee ka socota Social Media markaan arkay waxaan soo xasuustay dhowr arrimood oo aan ku soo arkay meelo ka baxsan dalka oo ay ka mitahay arrintaan.

Galab aan ku soo daahnay magaalada xili aan joognay Anatolia, Turkiga aniga iyo saaxiibkay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Maxamed Abuukar Ma’da ayaan tagnay Masaajid si aan u dukano Salaadda casir, waxaa Masjidka nala soo galay Dumar qaawanaan badan ay ka muuqato qaarkoodna ay u labisnaayeen sida ragga, oo aad isleedahay miyay ku soo qaldameen Masaajidka.

Laakiin markiiba habluhu waxay galeen qayb ay ku diyaarsanyihiin dharka asturnaanta, oo ay ka la bisteen, ka dib markii ay dukadeena ay ku celiyeen dharka halkiisii.

Dumarka qaar iyagoo wali asturan kuwa qaarna ay iska dhigeen xijaabka ayay sii galeen safka Sheekh Cashir ka bixinayay Masjidka, waxaana naloo sheegay dumarka qaar markii dhowr maalin ay ku xirnaadaan Masjidka inay xijaabka toos u qaataan.

Waxayse ka sii yaab badneed markii aan salaadda ka soo baxnay mid ka mid ah Dumarkii nala dukanay waxay fariisatay jardiinka Masjidka waxayna shidatay xabad sigaar ah, ma jirin cid ku mashquushay, buuq iyo qaylo toona, laakiin fariin waxay ka dhex socotaa misjidka.

Hadaba maxaan ka baran karnaa arritaan, anaga oo joogna dal maalintaan soo qaan gaarnay ilaa iyo hadda ay is haystaan labo wadaad.

FG: Sawirada aan ka qaaday hablaha ma adeegsanayo maadaama aanan fasax u haysan.

Diintu ila muran & xoog ma ahan, balse waa nasteexo iyo tusaalayn qofka soo jiidan karta si uu u qaato waxa aad sheegayso.

Qore: Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar

Hadalsame Media