Gaarigii ay saarnayd & cidda lahayd, dhanka rasaastu kasoo gashay, dadkii la socdey & wax kasta oo ku saabsan geeridii Almaas Elman (AMISOM oo baaritaan wadda)

0

(Muqdisho) 22 Nofeembar 2019 Howlgalka Nabad Ilaalineed ee Midowga Afrika (AMISOM), ayaa shalay bilaabay baaritaanno hordhac ah oo ku saabsan geerida naxdinta leh ee ku timid Ms. Almaas Elman Ali Ahmed, oo ahayd diblomaasiyad iyo gayfane nabadeed oo ay rasaasi haleeshay abbaarihii 14.34 gelinka dambe, bishan Nofeembar 20.

Gabadha geeriyootey ayaa markii ay xabbadu ku dhacaysey waxay saarnayd gaari ay ka kiraysatey shirkad gaar ah waxayna ku safraysey gudaha xerada Xalane iyadoo u socotey dhanka Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Waxaa gaariga guud ahaan saarnaa 3 qofood – darawal, rakaab kale oo aan waxba gaarin iyo gabadha geeriyootey – oo fadhidey dhanka midig ee gaariga oo ah nooca jilacsan qafis ahaan ee aan xabadda celinin.

Rasaasta ayaa kasoo dustey daaqadda dambe ee xigta kursiga rakaabka waxayna dhaawac halis ah gaarsiisey Almaas Elman, kaddibna waxaa loola soo cararay isbitaalka AMISOM Level II, halkaasoo ay ku dhimatay isla markii gudaha lasoo geliyay.

AMISOM ayaa sheegtay inay markiiba guddi baariseed u saartay kiiskan, kaasoo markiiba goobta shilka booqday, isla markaana waraystay darawalkii iyo dad kale oo goobjoog ahaa oo ay calaamaysteen.

Waloow ay wax waliba ku xiran yihiin warbixinta kama dambaysta ah, misna baaritaannada hordhaca ah ayaa muujinaya in Almaas ay ku dhacday rasaas wiifto ah, gaar ahaan, maadaama aan lasoo werinin wax rasaas ah oo ka dhex dhacay gudaha xerada Xalane xilligii shilkan geerida xambaarsanaa. Xerada Xalane ayay horay sidan oo kale ugu soo dheceen rasaas habow ah.

AMISOM ayaa la shaqayn doonta DF Somalia, ciidamada amaanka Somalia iyo hay’adaha kale si baaris buuxda loogu sameeyo dhacdadan dhiigga leh. Wixii kasoo baxa waxaa lala wadaagi doonaa dadwaynaha, sida ay ballan qaadday AMISOM oo ka mas’uul ah amaanka xerada Xalane.

Hadalsame Media