Feeryahanka Muslimka ah ee Khabiib Nurmagomedov oo ka hadlay sababta uusan u xiranin calanka Ruushka

0

(Hadalsame) 22 Nof 2019 – Feeryahanka caanka ah ee Khabiib Nurmagomedov ayaa mar la weydiiyay sababta uusan usoo xiranin calanka dalkiisa Ruushka.

Khabiib ayaa ku jawaabay “Dadka calanka ku soo labista wax ay sheegtaan in ay sidaasi dalkooda ku matalaan, balse aniga oo aan sidaa sameynin Ayaan haddana dumarka kufsanin, duqowda garaacin, dadka ma faro in ay Khamriga cabaan, markaa dalkeyga wax aan ku matalayaa dhaqankeyga wanaagsan, ma aaminsani hadii aad calan kusoo labisato in aad Wadani tahay, hadii aadan ku labisaninna aadan aheyn.

Waxaa jira waxyaabo badan oo ay tahay in aad ku sifeysnaato ka hor inta aanad calanka kor u qaadin, waa inaad marka hore dhaqan wanaagsan soo bandhigtaa”.

Marnaba muuqaalka iyo sheegashada shey micno gaar ah ma sameeyo, hadii aad wadaniyad sheeganeyso balse aanad ku dhaqmin ama aad diin iyo nabi jaceyl sheeganeyso balse aadan dhaqankii heynin wax badan baa kaa maqan.

Wax aad aaminsan tahay dhaqan wanaagsan oo waxaa qalbigaaga ku jira ka tarjumaya ku soo bandhig, sheegasho afka ah micno badan ma sameyneyso.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Diyaariye: Maxamed Dugoow

Hadalsame Media