Axmed Xuseen oo loo magacaabay Wasaarad ka ballaaran middiisii hore + Sawirro

0

(Ottawa) 22 Nof 2019 – Axmed Xuseen oo ah Soomaali Canadian ayaa ayaa mar kale ka soo dhex muuqday liiska Golaha Wasiirrada dalka Canada ee uu shaaciyay Justin Trudeau.

Axmed Xuseen oo ahaa Wasiirka Socdaalka iyo Soo Galootiga ee Canada ayaa hadda laga dhigay Wasiirka Arrimaha Qoyska, Carruurta iyo Horumarinta Bulshada taasoo ah Wasaarad ka ballaaran middii hore, waxaana uu ka mid yahay tiro wasiirro ah oo dowladdii hore ku jiray islamarkaana nasiib u yeeshay in ay soo laabtaan.

Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau, ayaa shaaciyay liiska 36 Wasiir oo 18 ka mid ah ay haween yihiin, waxaana uu isbeddel dhinaca wasaaradaha ah ku sameeyay qaar ka mid ah Wasiirradii ku jiray golihii hore.

Tusaale ahaan, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Canada Chrystia Freeland, ayaa isna loo magacaabay Ra’isalwasaare Ku-xigeen iyo Wasiirka isku xirka gobollada Canada.

Golaha Wasiirrada oo horay laga dhaariyay ayaa ka tirsan xukuumad aan haysan aqlabiyadda Baaralamanka dhexe ee dalka Canada, taasoo keeni karta inay dhacdo.

Hadalsame Media