Shirkad raadinaysa qof XASHIISHKA cabid ku tijaabiya!! (Mushahar qaali ah oo la siinayo)

0

(New York) 21 Nof 2019 – Heesaaga Snoop Dogg ayaa berri ku luuqeeyay heesta “Smoke Weed Everyday” waxaa jira kambani soo saara marijuana dawo ahaan loo isticmaalo oo shaqo la yaab leh haysa.

American Marijuana, ayaa raadinaysa dad shaqaale ah oo qabanayo shaqo la yaab leh, iyadoo sanadkii la siinayo mushahar gaaraya $36,000 oo doollar, bishii waa ugu yaraan $3,000 oo doollar.

MUXUU QOFKU QABANAYAA?

Wuxuu qofku tijaabinayaa tayada Marijuana-ha, isagoo kala saaris ku samaynaya, balse wuxuu taa ku samaynayaa inuu cabo.

Shirkadda oo xogta arrintan soo dhigtay barta internet-ka ayaa sheegtay in qofka shaqadan qabanayaa uu bixiyo “qiimayn daacad ah oo la isku hallayn karo” isagoo qoraya isla markaana ku baahinaya muuqaal looga duubayo kaamiro.

Dadka shaqadan soo dalbanaya oo laga rabo inuu ku nool yahay Maraykanka ama Canada, waa inay yihiin 18-jir iyo wixii ka wayn oo ay weliba xiise u qabaan shaqada.

Hadalsame Media

Facebook Comments