”SHAKI yari iigama jiro taas!” – Madaxwayne caan ah oo sheegay in dayuuradiisa cillad la geliyay si loo khaarajiyo!

0

(Mexico City) 21 Nof 2019 – Madaxwaynihii xilka laga tuuray ee Bolivia, Evo Morales ayaa sheegay in aanu “wax shaki ah ka qabin” in cilladdii ku timid dayuurad uu bishii tagtay ku safrayay ay tahay ahayd “isku day khaarajin ah” balse aanay ahayn shil iska dhacay.

Madaxwaynaha ayaa cilladdan oo ku timid marawaxadda yar ee ku taalla saynta dambe ee dayuuradda la kulmay xilli uu u socdey munaasabad lagu furi lahaa jid cusub.

”Bilowgii waxaan moodayay shil caadi ah, balse haatan waxaa ii caddaatay inay ahayd isku day dil.”

Morales, oo todobaadkii tegey ka cararay Bolivia isagoo magan gelyo ka helay Mexico ayaa lagu ridey afgembi ay ka dambeeyeen kooxaha midigta ah.

Wuxuu sheegay inuu aalaaba raaci jirey dayuuraddaa qumaatiga u kacda, mararka qaar dhowr jeer maalintii, xitaa marka uu jawigu xun yahay, balse aanu weligii la kulmin waxan oo kale.

Hadalsame Media