Dilka Almaas Elman oo lugta la galay DF Somalia (Xaaladda oo weji cusub yeelatay)

0

(Muqdisho) 21 Nof 2019 – Warar soo baxaya ayaa weji cusub u yeelaya geeridii naxdinta lahayd ee Almaas Elman oo iminka la sheegayo inay ku dhacday xabbad wiifto ah oo ka timid dagaal ka dhacay nawaaxiga Asluubta iyo aaga Xoosh.

Ciidanka dagaalamay oo ka wada tirsan DF Somalia, waxaa lagu sheegay Guuto Booliska Gaarka ah ee Haramacad ka tirsan iyo kuwa ka tirsan Asluubta. Rasaasta Wiiftada ah xitaa waxay saameysay xaafado ku yaala Buulaxuubey oo dhanka galbeed kaga beegan Xalane.

Cutub la tirsan Guutada Haramacad oo ku hubeysan hub u badan qoryaha fudud ee Casriga ah ayaa ka qaybgalay dagaalkii shalay.

Waxaa xitaa haddii ay sidan tahay weji gabax ah in aan muddo kaddib markale maqalno waxaa is dagaalay ciidamo ka wada tirsan DF Somalia, jeer ay Dowladdu muddo sheegaysey inay dib u habayn ku samaysay ciidanka oo ay saxday hab-raacood iyo anshaxooda.

Awal waxay dad badani ka welwelsanaayeen in gabadha lagu dhex diley meesha ugu amaan badan Muqdisho taasoo weji gabax amaan leh, balse iminka waa weji gabax kasii daran oo ah in waxa diley ay yihiin isla ciidamadii DF Somalia.

Taasi waxay ka dhigan tahay inay amaankii khalkhaliyeen isla ciidamadii ilaalin lahaa waana arrin aanay jirin qaab qiil loogu samayn karo.

Haddii ay arrintani caddaato, DF ayaa markaa ka mas’uul ah dilka gabadha, maadaama ay dileen ciidamadeedu.

Hadalsame Media