DHEGEYSO: ”Weligeen ma arag wax aan u dhigno!” – Nin muddo 3 sano & 8 bilood isaga oo mayd ah ku jiray gurigiisa!!

0

(Stockholm) 21 Nof 2019 – Ciidanka ammaanka ayaa ku howlan sidii uu warbixinno dheeri ah uga heli lahaa 80 jir muddo saddex sannadood iyo sideed bilood lagu qiyaasayo meeydkiisu yaalay guri ku yaala xaafadda Södermalm, iyada oo aan wax war ah laga hayn.

Mats Kemi waa gacan yaraha arrimmaha geerida ee ciidanka ammaanka magaalada Stockholm.

”Xaalado kala duwan oo isu tagey ayaa sabab u ah in sidani wax u dhacaan. Wuxuu ahaa nin kelinimo ku noolaa, da’diisuna ahayd qiyaastii siddeetameeyo. Wuxuu dalka yimid sannadihii siddeetameeyadii, isagoona dabadeed qaatay dhalashada dalka Sweden. Keligii ayaa yimid dalka. Kuma aannu guursan, carruurna kuma aanu dhalin. Sidoo kale wax qaraabo ah uma aanay joogin dalka, wuxuuna u noolaa kelinimo.

”Intaa waxaa dheer inuu biilashiisa ku bixin jirey nidaamka autogiro ee dakhliga sida tooska ah looga jarto, sida uu sheegay. Sarkaalka ayaa isagoo hadalkiisii sii wata sheegay in kolka uu qof ku geeriyoodo gurigiisa uu maydku aad u uro:

”Hase yeeshee haddii uu leeyahay guri si aad ah u cufan oo leh nidaam wanaagsan ee hawadu uga baixi karto. Urku markaa albaabka laga baxo jaranjaradiisa ma soo gaaro iyo deriska sida xaaladdan oo kale. Haddii kale deriska ayaa ka dhiidhiyi lahaa.

Laanta idaacadda P4 Stockholm oo warreeysi la yeelatay Mats Kemi ayaa sheegay mar ay wax ka weeydiisay inuu marxuumku dalka soo galay sannadihii siddeetameeydii, asal ahaanna uu ka soo jeeday dalkii horey loo oran jirey Yugoslaafiya. Halka ay wakaaladda socdaalku sheegtay in dalkii uu ka soo jeedeyna uu ku lahaan jirey oo keliya labadiisii waalid.

Mats Kemi, ayaa warkiisii ku soo gabagabeeyey in aannu dhacdadan oo kale hore u maqal, hase yeeshee caadiyan ay lix bilood tahay kuwa ugu dhaadheer.

”Lagana yaabee iney dhacaan lix, toddoba ama siddeed jeer sannadkii,” sida uu hadalka u dhigay.

Hadalsame Media