Xabbad la sheegay inay ahayd tii ku dhacday Elmas Elman oo lasoo bandhigay & su’aalo fara badan oo ka dhashay!

0

(Muqdisho) 20 Nof 2019 – Waxaa galabta casar liiqii gudaha Xalane ku dhimatay Almaas Elman oo aan weli la caddaynin cidda weerartay iyo haddii ay tahay rasaas habow ah.

Dilka Almas Elman waa geeri aad u naxdin badan, waxayna ka dhacday meel la oran karo waa meesha ugu amaan badan Muqdisho. Waxaa waajib ah in kiiskan dhinacya badan laga fiiriyo, iyadoo la eegayo su’aalahan:

Almas shaqo noocee ah ayey ka heysey Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi? Maxay u timid Muqdisho? Maxaa kallifay in diyaaraddii Kenya ku socotay hakad ku yimaado? Xaggee ku socotay markii uu dilku dhacayey?

Yay hoos timaadaa goobta lagu dilay ay Xalane dhexdeeda ku taallo? Xabada lagu dilay wadankee lagu soo sameeyey? Xabadaha noocaan ah yaa ku hubeysan markii loo fiiriyo askarta Xalane dhex degan? Dhabtii su’aalahaan iyo kuwa badan ayaa muhiim in baaritaan lagu sameeyo. Inna lilaah waa inna Ileyhi rajicuun! Ugu dambayn xabadda lasoo bandhigay oo u eg midda Daba-jeexa ama PKM ma tahay midda rasmiga ah ee ku dhacday Almas? Maxay tahay sababta dadwaynaha loogu soo bandhigay rasaastan maadaama aan loo baran arrintan? Haddii meesha lagu dhex diley gabadha wixii diley sidee u baxsadeen?

FG: Xabaddan waa tii ku dhacday Almas sida lasoo warinayo

Waxaa Diyaariyay: Farxaan Xalane & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media