Kulanka madaxda sare ee DF & mucaaradka oo loo dheg taagayo (Maxaa lagu soo qaadi doonaa?)

0

(Muqdisho) 20 Nof 2019 – Waxaa maanta loo dheg taagayaa kulan lagu wado inuu magaalada Muqdisho ku dhex maro madaxda DF Soomaaliya iyo madasha xisbiyada Qaran ee dalka, si loo xalliyo muranno jira.

Kulankan ayaa lagu wadaa inuu ka bilaabmo Madaxtooyada Qaranka duhurkii ama gelinta dambe ayaan dadwaynaha weli loo bandhigin ajeendaha lagusoo qaadayo.

Yeelkeede, wararka ayaa sheegaya inuu kulanku dhexsan doono Madaxda Xukuumadda sida Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayrre oo dhinac ah iyo Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan ragga kula midoobey Madasha.

Dad badan ayaa rumaysan in aanu shirkani go’aan ka gaari doonin arrimo siyaasadeed oo culus maadaama aanu taa sharciyad u lahayn, balse ugu yaraan la turxaan bixin doono madmadowga ka dhashay xayiraado ay Madaxdii hore sheegeen in dhaqdhaqaaqooda la saaray, balse meesha kama marna in la isla soo qaado Doorashada Madaxtinnimada iwm.

Madaxda DF Somalia ayaa sidoo kale lagu wadaa inay mucaaradka u sheegaan inaysan ku tala jirin wax muddo kororsi ah, sida ay meelo badan ka sheegeen madaxda mucaaradku.

Hadalsame Media

Facebook Comments