Aragti isku xireeysa khudbaddii Ilwaad ee Golaha Amaanka iyo dilka walaasheed (Danta laga yeelan karo)

0

(Muqdisho) 20 Nof 2019 – Xalay ayay ahayd markii Ilwaad Elman UN-ka ka hor aqrinaysay khudbad gaaban oo ku saabsan amniga, xasiloonida iyo mustaqbalka dhismaha Soomaaliya nabdoon.

Dad badan ayaa isku xiraya dilkan ka dhacay xarunta Xalane ee loo gaystey Almaas iyo moowduucii ay xalay ka hadlaysey walaasheed, iyadoo ay qofka markiiba maankiisa kusoo dhacayso in dilka looga gol lahaa in lagu caddeeyo inaysan nabadi jirin, waa haddii ay caddaato in gabadha la diley ee aanay ku dhicin rasaas habow ah, taasoo lafteedu caddayn u baahan.

Maantana walaasheed Almaas Elman ayaa lagu dilay isla magaaladii ay xalay wanaaga, soo kabashada iyo soo hagaaga amni ka sheegeysay waliba meesha ugu ammaanka wanaagsaneed Muqdisho oo ay degan yihiin ajaanibta sheegata inay wanaageena, horumarkeena iyo soo kabashadeena ka shaqaynayaan.

Waa ayo cidda Xalane dhex joogta ee ay dhibayso nabad ka islaaxda Somalia? Dad baa qaba inay ka dambayn karaan ashkhaasta iyo ururrada caalamiga ah ee ka macaasha foowdada Somalia (War profiteers). Waxaa weliba micne gaar ah samaynaysa meesha uu shilku ka dhacay oo ah meelaha ugu amaanka badan magaalada Muqdisho.

Waxaan ugu tacsiyeynayaa geerida Almaas dhamaan qoyskeeda gaar ahaan seygeeda Sakariya C Xersi, Hooyadeed Fartuun Cabdisalaan Xaaji Aadan, Abtigeed Amb. Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, Walaalaheed Imaan Elman, Ilwaad Elman iyo dhamaaanteeba samir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo.

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Waxaa Qoray: Cabdifitaax Axmed Maxamuud

Hadalsame Media