DHEGEYSO: Arrin CULUS oo sharraxaad deg deg ah uga baahan DF oo soo baxday!

0

(Muqdisho) 19 Nof 2019 – Dalka Talyaaniga ayaa dib ula noqdey dhaqaale 6 Milyan oo dollar ah oo loogu talagaley in lagu dhiso biyo xireen laga hirgaliyo magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Dowladda Talyaani ayaa sheegtey in markii muddo sannad ah ay ka warsugaysay in loo soo gudbiyo mashruuca nooca uu noqonayo, kana war sugaysay dowladda Soomaaliya ay dib ula laabatey lacagtaasi.

Biyo Xireenka oo la hirgaliyo ayaa ka hortagi kari lahaa fataahado iyo masiibo ka dhacdo gobolkasi inkastoo la sheegay in dhismihiisu qaadan lahaa laba sano.

Haddaba, DF Somalia oo hadda jawaab aan faahfaahsanayn ka bixisay ayaa looga fadhiyaa inay sharraxdo sida ay arrintani ku dhacday.

Hadalsame Media