DAAWO: ”Waa taangiga ugu casrisan!” – Ruushka oo soo saaray taangi ay Galbeedku ka cabsadeen + Sawirro

0

(Moscow) 19 Nof 2019 – Ruushanka ayaa kacaamiyay naqshadda tawaangidiisa waxaana safka madaafiicda goobta ee dalkaasi markii ugu horreeysey kusoo biiraya taangiga laga cabsado ee T-14 Armata oo ah jiilka xiga oo lagu wado in Ciidamada Xoogga lagu qalabeeyo dabayaaqada 2019 ama ugu dambayn horraanta 2020, sida laga soo koobiyey madaxa Rostec oo samaysa agabka ciidanka.

Soo saarista silsiladeed ee taangiga ugu casrisan caalamka ayaa haatan maraya marxaladdii ugu dambaysey, sida uu ku dhawaaqay, Sergey Chemezov oo ka qayb gelayay Dubai Airshow maanta oo Talaado ah.

T-14 ayaa dunida cinwaanno ka sameeyay tan iyo markii sambalkiisa lagu soo bandhigay Maalinta Rigada Guusha oo lagu qabtay Fagaaraha CAS ee Red Square bishii Maajo 9, 2015.

Warar laga soo dusiyay dhanka Sirdoonka Britain ayaa lagu amaanay taangigan oo lagu yiri “Armata wuxuu ka dhigan yahay taangiga ugu casrigan qaybta hore ee qarnigan.” Taangigan ayaa isku darsaday fudayd, xawaare, is damin, adkaysiga bay’ada kala duwan iwm.

Ruushka ayaa caadiyan ah dalka ugu tawaangi badan caalamka isagoo ku dhowaad kala bar ka badan Maraykanka oo haysta 7-8 kun oo taangi oo howlgeli kara.

 

Hadalsame Media