DAAWO: ”Soomaalidu cid kasta waa ka HAYBAYSATAA marka hoggaan ay iyadu leedahay laga reebo!” – Talo CULUS oo la siiyay!

0

(Hadalsame) 19 Nof 2019 – Muddo nus qarni ka badan ayaa Soomaalida oo ah hal qoowmiyad wax kastaba ka tagoo lagu kari la’yahay waxa dowladnimada la yiraahdo, taasoo u nuglaysa in arrimohooda la farageliyo, maadaama ay arrimohooda hoose ay si bilaa qab ah ugu casuumaan cid kasta.

”Soomaalidu cid kasta waa ka amar qaadanaysaa marka laga reebo Soomaali kale, waayo wax xushmad ah isuma hayaan.” ayuu Twitter kusoo qoray Hashi, MD.

Yeelkeede, waxaa xitaa arrintaa ka warqaba shisheeyaha mid dhow sida deriska iyo mid dheerba, waxaanad ka garan kartaa sida uu qiyamka iyo qabka Soomaalida u kufsaday Tigreega oo 5 milyan oo qofood ka kooban, balse 20 sano ka badan midba mid ku taakaynayay Soomaalida.

Xitaa waqti xaadirkan, waxaan maalin walba aragnaa arrin yar oo siyaasadeed oo si fudud lagu xallin karo haddii xal loo diyaar yahay, balse warqado loo kala qorayo inta hay’ad dunida ka jirta oo uu acraabi kasta dusha ka xafidsan yahay magacooda, balse aanu fahmi karin danaha loo samaystay.

Waxaa arrintaa si runtii talo walaalnimo oo qaali ah ka bixiyay siyaasiga iyo gayfanaha Oromada ah ee Jawar Maxamed, kaasoo Soomaalida kula taliyay inay iska daayaan arrimohooda ay ku casuumayaan dadka kale.

Waloow uu isagu tixraacayay Soomaali Galbeed, misna bugtada raagtey ee uu ka hadlayaa waa mid guud ahaanba haysa Soomaalida. Wuxuu yiri:

”Arrimihiinna gaarka ah ha ula imanina Oromada, cid kalena ha u gaynina. Soomaali midaysan waa damaanadda qura ee ay XAQOODA ku heli karaan Soomaalida Itoobiya iyo midda meel kale joogtaba.” ayuu yiri Jawar.

”Walaalihiin ayaan nahay, balse haddaad arrimihiinna cid kale ku casuuntaan waa idinka faa’iidaysanaysaa. Wada fariista oo wada hadla, waxaad leedihiin madax dhaqameed muhim ah oo ka shaqayn kara inaad awoodaha qaybsataan. Ilaah baan idinku dhaarshee Cabdi Iley ayaa 20 sano idin xukumayay” ayuu daba dhigay isagoo sheegay in 70% dakhliga Gobolka Soomaalida ay Tigreegu iska qaadanayeen.

”Wada fariista oo hanoo imanina, balse dooda annaguba sidaas ayaan yeelnaa idinkana waa idiin roon tahay! Haddaad dad kale arrimihiinna ula tagtaan, xitaa annaga, dadku had iyo jeer waa idinka faa’iidaysanayaan.” ayuu ku dhameeyay, wax loo arko taladii ugu daacadsanayd ee Soomaali abid la siiyo haddii duxi jirto.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media