Gabdho Soomaali ah oo Maraykanka ka sameeyay arrin aan abid ka dhicin xitaa Woqooyiga Ameerika + Sawirro

0

(Shakopee, MIN) 18 Nof 2019 – Warqaadka Wired ayaa majalladiisa kusoo qaatay koox Soomaali ah oo weliba haween u badan oo wacdaro ku dhigay shirkadda daabulitaanka alaabooyinka Amazon ee uu leeyahay ninka adduunka ugu taajirsan ee Jeff Bezos.

Waloow ay Amazon bannaan baxan ku tilmaantay “mid yar” oo aan saamayn ku yeelanin howl maalmeedkooda, misna haweenkan Soomaalida ah ayaa sameeyay mudaaharaadkii ugu horreeyay ee ka dhan ah shirkaddaas Amazon ee abid ka dhaca Woqooyiga Ameerika.

Cinwaanka Wired ayaa u dhigaN ”Amazon oo dhigankeeda heshay!!”

Mudaaharaadkan oo ka dhacay Shakopee, Minnesota isla markaana ay haweenkani uga cabanayeen in xuquuqohoodii shaqaale lagu tuntay ayaa soo jiitey indhaha saxaafadda caalamka iyo midda Maraykanka.

Shirkaddda Amazon oo la asaasay 25 sanadood kahor, ayaa noqotay midda 2-aad ee shaqaalaysiisa dadka ugu badan guud ahaan Maraykanka oo idil.


Hadalsame Media