DARAASAD CUSUB: JAADKA oo la caddeeyay inay la socdaan JEERMISYO halis ah (Cudurrada laga qaado & talooyin caafimaad)

0

(Nairobi) 18 Nof 2019 – Jaadka (Miraa) lagu iibiyo Ismaamulka Nairobi County oo sidoo kale ah caasimadda Kenya ayaa la sheegay inuu wasakhaysan yahay oo uu ka buuxo jeermis sababa cudurro badan, sida ku cad daraasad cusub oo soo baxday Jimcihii, oo uu faafiyay Standard Media.

Cilmi Baarayaasha ayaa samballo kasoo qaaday caleemaha 55 bar Jaad iibineed oo ku kala yaalla Eastleigh (Xaafadda Soomaalidu ku badan tahay), Kawangware, Kibra, Mathare iyo Dandora. Waxaana la ogaadey in uu Jeermis halis ihi ka buuxo.

Cilmi Baarayaal ka kala tirsan Kuliyadda Beeraha iyo Tiknolojiyadda ee Jomo Kenya University iyo Machadka Daraasaadka Caafimaadka ee Kenya Medical Research Institute ayaa ogaadey in Jaadku uu leeyahay halis caafimaad oo daran.

Cilmi Baarayaasha ayaa dadka Jaadka iibiya usoo jeediyay inay sameeyaan hab-raac adag oo ay sida cuntada kale u ilaaliyaan faya-dhowrka jaadka iyo nadaafaddiiisa.

Waxay kaloo soo jeediyeen in Jaad iibiyeyaasha la siiyo shatiyo caafimaad oo la cusboonaysiiyo 3-dii biloodba mar, iyadoo iyaga oo qura loo ogolaanayo inay Jaadka iibiyaan iyo in ay adeegsadaan oo Jaadka ku dhaqaan biyo dawaysan oo nadiif ah.

Labada Jeermis ee ugu badnaa waa Gardia lamblia oo sababa caabuq ku dhaca mindhicirrada waawayn, keenana shuban iyo inay dheef shiidi waayaan waxyaabo ay ka mid yihiin sonkorta caanaha iyo E. hystolitica oo dhaliya ameebbada, astaamihiisana ay ka mid tahay ubucda oo ku xanuunta, shuban iyo fuuq bax dhiig wata.

Hadalsame Media