Dalal waawayn oo Somalia ku taageersan in laga qaado cunaqabataynta hubka ee saaran! (Waa kuwee?)

0

(New York) 18 Nof 2019 – Soomaaliya ayaa ka soo hor jeesatay go’aankii Qarammada Midoobay ee 15/11/2019 uu muddada sanadka ah ku kordhiyay cunaqabateyntii hubka ee Soomaaliya.

Waxaa ay Dowladda Soomaaliya sheegtay in cunaqabateynta ha la kordhiyo ama yaan la kordhinin ay sii wadi doonto dib u dhiska iyo horumarinta ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

Marka laga soo tago 15 xubnood ee Golaha Ammanaka ee Qarammada Midoobay ee kordhiyay cunaqabateynta Hubka Soomaaliya ayaa waxaa jira dalal badan oo ay saaxiibo yiin Soomaaliya, kuwaasoo aan ogoleyn in xayiraadda hubka la qaado, si Soomaaliya ay uga guuleysato Argagixisada.

Halka ay jiraan dalal dhowr ah oo iyaguna doonaya in xayiraadda hubka ee 10 sano ka badan saaran Soomaaliya laga qaado.

Shiinaha iyo Ruushka oo ku jira 5-ta kursiga joogtada ah ku leh Qarammada Midoobay ayaa ka soo hor jeestay xayiraaddan cusub ee sanadka ah ee lagu kordhiyay Soomaaliya, halka Equatorial Guinea oo iyaduna ka tirsan 10 ka kuraasta aan joogtada ahayn ku leh golaha ammaanka ee UN-ka ay iyaduna ka hor timid in Xayiraadda hubka lagu sii dheereeyo Soomaaliya.

Waxaa Diyaariyay: Yaxye Y Khasaaro

Hadalsame Media