”Qof Madax soo noqday haddallada qaar kuma habboona, haddii ay Dowladdu khaldantana…” – Cabdiqaasim

0

(Qaahira) 17 Nof 2019 – Madaxwaynihii hore ee Somalia ee Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa dhaliiley warkii kasoo yeerey Madaxwaynihii hore ee Sheekh Shariif ee ahaa ”inay dowladda cayrinayaan!”.

”Hadalkaasi ma qumana, Madaxwayne horana inuu sidaa u hadlaahi ma habboona. Haddii khalad Dowladdu gasho Baarlaman baa jira, Senet baa jooga, iyagaa laga rabaa inay la xisaabtamaan Dowladda. Balse lagama rabo Madaxwayne hore oo xilka ka degey inuu Dowladda u hanjabo” ayuu yiri MW Cabdiqaasim oo sheegay in xitaa haddii la xayiray aysan qurxoonayn inay sidaa u hadlaan.

Cabdiqaasim ayaa la waydiiyay in uu bal eego sababta carada ka keenaysa Madaxdii hore oo lagu sheegay doorashadii oo aan weli war cad kasoo bixin iyadoo la waydiiyay inuu dalku dib u dhac ku socdo ama uu horay u socdo?

”Dalka horusocd baa iiga muuqda, waana la dadaalahayaa, raggii hore laftoodu waa dadaaleen, balse haatan si fiican baa loo dadaalahayaa, waana qabaa inay doorasho imaanayso waayo waa lagama maarmaan. Sidaa sheegayna howlahaa waxaa shaqo ku leh Baarlamanka.” ayuu ku jawaabey.

”Xukuumadda ayaa Baarlamankii gacanta ku dhigtay hadal quman maaha, boqollaal qofood oo kitaab maray ayaa gacanta lagu dhigay wax la sheego maaha, iyaga ayaana laga rabaa inay dalka wax u qabtaan.” ayuu yiri mar la waydiiyay wararka sheegaya in Baarlamanku la heshiiyay Xukuumadda.

Hadalsame Media