”Ma ogolaan karno inay Sweden ka jiraan Hogaamiyeyaal qabiil” – Hoggaamiye Xisbi sheegay war loo qaatay DUURXUL ka dhan ah Soomaalida!

0

(Västerås) 17 Nof 2019 – Kalfadhigii Xisbiga Liberalerna ayaa lagu qabtay Västerås xilli aan 5 bilood xitaa laga joogin doorashadii Nyamko Sabuni oo laga dhigay Hoggaamiyaha Xisbiga.

Shalay ayay Xisbiga u khudbaysay iyadoo waxyaabihii ay ka hadashay ay gundhig u ahaayeen arrimaha isdhexgalka sii fashilmaya ee Sweden.

Sabuni, oo lafteedu horay u ahayd Wasiirka Isdhexgal min 2006–2010, ayaa soo bandhigtay wax ay ku sheegtay dabiqitaanka siyaasad lagu doonayo in Sweden looga baabi’iyo xaafadaha loo yaqaanno kuwa danyarta ah ee ay ajnabigu u badan yihiin marka la gaaro 2030.

Booliiska ayaa tirakoob cusub oo uu sanadkan soo saaray ku sheegay in Sweden ay maanta leedahay ilaa 60 xaafadood oo danyar ah, kuwaasoo 22 ka tirsani ay aad usii daran yihiin.

”Markii aan Wasiirka ahaa ayaanba arkayay inay dad badani gees u baxsan yihiin, balse iminka waa sii jibbaarantey.” ayay tiri Sabuni oo lafteedu kasoo jeedda dalka Congo oo isla xiriirisay dembiyada iyo xaafadahan.

”Bulshada waa inay xaaladda gacanta ku dhigtaa. Waa in loo istaagaa shabakaad dembiilayaasha, booliiska diimeed iyo hoggaamiyeyaasha qabiilka ee halista ku haya mabaadii’da dimoqraadiyadda.” ayay ku doodday iyadoo uu soo xiganayo Aftonbladet.

Warkan dambe ayaa loo fahmey mid ay ku durayso dad ay Soomaalidu ka mid tahay.

Waxay Sabuni kaloo sheegtay in ay ku dayan doonaan dalal ku gacan adag dhanka qaabilaadda qaxootiga sida Norway iyo Denmark iyadoo tilmaantay inay ku dadaali doonaan in aad loo yareeyo qaabilaadda qaxootiga.

Hadalsame Media