CARRUUR CAG WAYN!! Ragga oo la sheegay inaysan qaan gaarin ilaa 40-jirka!! + Sawirro (Daraasad cusub)

0

(Hadalsame) 17 Nof 2019 – Marar badanna waad malaha maqashay in raggu, xitaa kuwa qaan gaarka ihi, ay sii amba qaadaan inay u dhaqmaan sidii carruur. Dadka kale ayaa rumaysan in haweenku ay yihiin kuwa qaada mas’uuliyadda xiriirka.

Daraasad cusub oo kasoo baxday Jaamacadda University of Oxford, ayay cilmi baarayaashu ku derseen horumarka iyo koritaanka labada jinsi ee lab iyo dheddig, kaddibna waxay is barbar dhigeen natiijadii.

Imgur

Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in qaan gaarka maskaxda ay qaabayso horumarka muddada dheer ee qaabka shaqo iyo shabakaadka dhisme ee taxan inta uu qofku ka qaan gaarayo.

RAGGU DEG DEG UMA QAAN GAARAAN

Daraasaddu waxay eegtay geeddi socodka koritaan ee maskaxda 121 ka qayb gale oo ay da’doodu u dhaxayso 4-40 sanadood iyadoo la adeegsanayo iskaanka MRI, lana eegayo labada faqriga labada jinsi oo ay dadkani ka koobnaayeen.

Shutterstock

Natiijadu waxay muujisay, in waloow rag iyo dumarba ay maskaxdoodu leedahay awood ay ku wajahdo howl maalmeedyada joogtada ah, ay misna raggu muujiyeen inay woxoogaa ka koris dambeeyaan haweenka marka la eego shabakaad shaqo ee maskaxda. Waxayna sidaa ku socotaa ilaa uu 40-jirsanayo.

men mature
Pixabay

DUMARKU RAGGA WAA KA FAHMO BADAN YIHIIN

Tani waxay sidoo kale ku xiran tahay sababta ay raggu dhanka qaan gaarista maskaxeed ay uga dambeeyaan haweenka, yeelkeede, dumarku waxay muujiyaan inay bilowgii woxoogaa meelaha qaar uga liitaan ragga.

Professor Eduardo Calixto, oo ka tirsan Mexican UNAM, ayaa maqaal cilmi ah ku sharraxay in waloow ay raggu ka maskax wayn yihiin dumarka, ay misna haweenku muujiyaan hufnaan iyo fahmo ka badan ragga marka dhowr dhinac la eego.

Daraasadda ayaa farqiga qayb ahaan u aanaysay kala duwanaanshiyaha haarmoonnada labada jinsi ee Testosterone iyo Astrogene-ka.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media