DF Somalia oo markale muujisay inay ka dilan tahay dhanka Warfaafinta (Meel MUHIM ah oo looga af badiyay)

0

(Muqdisho) 16 Nof 2019 – Saddex Beri ka hor ayaa Warbaahinta waxay sii daayeen in Wasaaradda Gaashaandhiga lagala baxay Hub iyo Rasaas, Markaan isku darsadey Warkaan iyo go’aankii xaley ee Qaramada Midoobey ku diidey in Soomaaliya laga qaado Cunaqaqbateynta.

Haddaba, waxaa ii soo baxay in Warka uu ahaa mid la been abuurey oo looga hortagayey in Soomaaliya laga qaado Cunaqabateynta Hubka waxaana faafiyey Warkaas Hayado shisheeye, Maamul Goboleedyo iyo Dad kale oo Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa ii muuqda in Dowlada Faderaalka oo ku raja weyneyd in laga qaado Cunaqabateynta Hubka in looga dheereeyey Dacaayada dhinaca Warbaahinta sidaa darteed waxaan Qaybaha Warbaahinta u soo jeedinayaa in ay ska Hubsadaan Wararka been abuurka ah ee ujeedada gaarka ah laga leeyahay.

Marar badan ayaa la sheegay in DF Somalia ay leedahay qalab warbaahineed oo tayo leh, balse aysan ugu shaqaysan si ku filan oo firfircoon, in badanna waxaa ka af dheer warbaahinta gaarka ah.

Waxaa Diyaariyay: Amiin Y Khasaaro

Hadalsame Media