CC Warsame oo u dabbaal degey goolka uu ka dhaliyey Madasha Xisbiyada (Sababta uusan ugu biirin oo uu sharraxay)

0

(London) 16 Nof 2019 – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakiir Warsame oo ah Guddoonka Xisbiga Wadajir oo la hadlay TV-ga Universal ayaa ka hadlay sababtii uu xisbiga Wadajir uga mid noqon waayey Madasha Xisbiyada Qaran ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa muujiyay inay siyaasaddu tahay ”nin walboow madaxaaga mayrax ku duubo” oo aysan jirin sabab ay hal dhinac uga soo wada jeestaan maadaama aysan isku xisbi ahayn.

Wuxuu tilmaamay in laga diidey soo jeedintiisii oo ahayd inaan Guddoomiye la samaynin, balse la agaasimo isku xire oo qura, si loogu dhaqaaqo dhanka qabashada doorasho daah furan.

“Aragtida xisbiga ayaa go’aansaday in aan hadda laga mid noqon, doodaha madalada la xiriira dadka isku aragti kama ahan, hal hadaf ayaa wada leenahay in doorasho xilligeeda la qabto in laga wada shaqeeyo, maadaama madasha aheyd madal dadka aysan hal xisbi la noqoneyn, qof walba madaxtinimadiisa, damaciisa iyo howlihiisa uu leeyahay in laga wada shaqeeyo doorashada sidii ku dhici laheyd, oo garoonka ciyaarta loo wada geli lahaa ayaa hada anaga noogu muhiimsan maba aaminsaneyn in hoggaan la sameeyo, in xiriiriye la sameeyo ayaa ujeedkeena ahaa.”ayuu yiri CCC Shakuur.

Warsame ayaa dhanka kale aad u cambaareeyey wax uu ku sheegay ”xayiraad” la isku dayey in lagu sameeyo Madaxweynayaashii hore ee dalka ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, isagoo xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ku boorriyay inay ilaaliso oo dhowrto Dastuurka iyo Xeerarka dalka.

Hadalsame Media