Xulka Kenya oo ay arrin YAX YAX lihi qabsatay & Masar oo u gurmatey!! (Maxaa dhacay?)

0

(Qaahira) 14 Nof 2019 – Xulka Kenya ee loo yaqaanno Harambee Stars, ayaa wajahaya xaalad dhaqaale xumi kahor kulanka ay la yeelanayaan dalka Masar, waxaana uu xaalkoodu xitaa gaarey in loosoo diro digniin ku salaysan in laga saarayo hoteelka ay deggan yihiin kaddib markii ay bixin waayeen biilkii lagu lahaa.

Yeelkeede, dalka martigelinaya ee Masar, gaar ahaan Wasaaradda Ciyaaraha Masar ayaa soo fara gelisey, taasoo ka bixisay dhamaanba lacagihii habeenkaa lagu lahaa xulka iyo shaqaalaha la socda oo idil.

Wasiirka Ciyaaraha Masar, Ashraf Sobhy ayaa gaar ahaan u gurmadey xiddigaha xubayrada ah ee Harambee Stars kahor kulanka ka tirsan Isbreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2021 ee ay caawa fiidkii la yeelanayaan xulka Faraacinnada.

Kenya ayaa Masar la dheelaysa kulan bilowga Guruubka G, balse xulka Francis Kimanzi ayaa sida muuqata ku dhibban inay iska bixiyaan kharashaadka ku waajibaya.


Hadalsame Media