WARQAD FURAN: Xuquuqaha EEDAYSANAHA iyo xitaa DEMBIILAHA! (4 qodob oo muhim ah)

0

(Hadalsame) 14 Nof 2019 – Warqad Furan: Ka dib sawiro gurwacan ee laga soo qaaday dad lagu soo qabqabtay falall argagixiso ah ee lagu faafiyay baraha bulashadda Soomaaliyeed. Ka dib markii aan akhrinay anshaxa iyo habqdhaqanka caalaamka ee ‘Code of Conduct’ ee lagula kaco dadka lagu soo qabqabto fallalkaan oo kale, waxaan talo u soo jeedinayaa laamaha amaanka ee dowladda federalka iyo kuwa maamul goboleedyadda taasoo ah inay ka feejignaadaan soo bandhigida wejiyada dadka lagu soo qabto dagaalka lagula jiro argagixisada.

Qof walba oo la soo qabta isagoo fal ku guda jira ama isagoo qorsheynaya wuxuu xaq u leeyahay inuu maro sharciga wadanka u yaal, sida ku xusan Dastuurka federaalka ee ku meel gaarka ah qodobka 35’aad cutubka 1’aad “Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay qof barii’ah oo aan dembi gelin ilaa maxkamadi Si kama-dambeys ah ugu caddeyso dembiga loo haysto” sidaas daraadeed waxaa reeban in qof lagu xukumo kaamirada horteeda taasoo meel ka dhac ku ah xuquuqda aadnaha, sharciga dalka iyo sharafta qofka.

Sawiradii dhawaantaan lagu faafiyey baraha bulshada ee labbo wiil iyagoo dhaawac ah ay shir jaraa’id ku dul qabteen saraskiil boolis ah, gudoomiye ku xigeenka gobolka, hay’addaha amaanka iyo kuwa kale waxay ka hor imaanaysaa hanaanka gudashada waajibkooda shaqo waxayna dhinac mareen dastuurka ku meel gaarka ah qodobka 10’aad cutubka 3’aad “awoodda dowladda waa inaan marnaba loo isticmaalin meel-uga-dhicid karaamada aadanaha”

Hadaba si loo helo kalsooni shacab waa in dowlada ay ixtiraamtaa dastuurka dalka iyo shurcuuda caalamiga ah ee aduunka. Hadii la helo dowlad shacabkeeda uga fakarta sida waalidka uga fakaro ubadkiisa ayaa la heli karaa shacab u ixtiraama dowladiisa sida ubadka u ixtiraamaan waalidkood.

Waxaan talo ahaan ugu soo jeedinayaa laamaha amaanka iyo cid walba oo ay quseyso talooyinkan soo socda:

1) Qofkii la soo qabtaa inaan la horkeenin warbaahinta ilaa inta maxkamadi ku cafeyneyso dembigiisa.

2) In la ilaaliyo xuquuqda iyo karaamada qofka oo uu siiyey Islaamka iyo dastuurka ku meel gaarka ah.

3) In laga feejignaado waxyaabaha ka dhalan kara in qof aan dembi lagu cadeyn wejigiisa la soo banaan bixiyo sida:
a) Qofkaas oo hadii dembi lagu waayo ku qasban inuu wadanka isaga cararo.
b) Qofkii ku fikirayey inuu ka towbad keeno dembiga oo ku sii fogaada.
c) Naceybka iyo aamin darrada loo qabo dowladda oo sii baahda.
d) in ay soo xoojisio xagjirnimadda iyo mayal adeyga oo Al-Shabaab ay uga faa’ideysto kutirakuteen iyo dacaayad.

4) Xitaa marka uu qofku dembigu ku cadaado oo ay maxkamadi xukunto wuxuu leeyahay xuquuqihiisa aasaasiga ah ee aadminimo lagumana xadgudbi karo oo wuxuu kaliya marayaa wixii lagu xukumay iyadoo sharaftiisa la dhowrayo.

Dhamaan qodobadaas waxaa looga hortagi karaa iyadoo la raaco dastuurka oo ah kan xadeynaya awoodaha iyo fulinta sharciga. Iyo in la ilaaliyo kaaramadda qofka shakhsiga ee Alle siiyay.

Wabilaahi towfiiq

Waxaa Diyaariyay: Cabdi Caddoow

Hadalsame Media