Laacib Muslim ah oo Yurub ka sameeyay arrin ay ku dhici waayeen laacibiinta kale! + Sawirro

0

(Milano) 14 Nof 2019 – Laacibka reer Aljeeriya ee Ismael Bennacer, oo dhashay 1997-kii, khadka dhexena uga dheela kooxda AC Milan ayaa sameeyay arrin lala yaabay.

Laacibkan oo xagaagan ay AC Milan 16 milyan oo euro kasoo siisatay kooxada Empoli ayaa noqday laacib sii koraya ciyaarba midda ka dambeeysa, walow uu kulamadii ugu dambeeyay uun noqday xiddig ka mid ah safka 1-aad oo aan kayd ahayn.

Sida ku cad tirakoobka WhoScored, wuxuu lambarka 4-aad ee Milan sameeyay rikoodh cajiib ah.

Ismael Bennacer: Marka la eego 310 laacib oo isku dayay 20+ gembis, wuxuu guulaystey 92.3%, taasoo ka dhigaysa laacibka ugu sarreeya guud ahaanba 5-ta horyaal ee ugu waawayn Yurub.

Ismaaciil Bin Naasir ayaa ka mid ahaa xiddigihii asaasiga ahaa e xulka Aljeeriya ka caawiyay inuu hanto KQA markiisii 2-aad.


Hadalsame Media