”Ciidamada KDF waxay burburiyaan anteenooyinka Hormuud!” – QM oo warbixin kasoo saartay arrin ay ka aamusan tahay DF Somalia

0

(New York) 14 Nof 2019 – Warbixin cusub oo kasoo baxday baaris ay samaysay QM ayaa lagu caddeeyay in ciidamada Kenya ee KDF ay weerarro bareer ah ku qaadeen xarumaha isgaarsiineed ee Somalia, kuwaasoo ay ku dhinteen dad rayid ah oo 2 qof gaaraya.

Ciidamada Kenya ayay warbixintu sheegaysaa in ay weerarkaa soo wadeen min 2017 ilaa 2019, iyagoo qiil ka dhiganaya in Al Shabaab ay adeegsadaan adeegyada anteenooyinkaas, sida kusoo baxday warbixinta Golaha Amaanka.

Warbixinta oo ay soo saareen guddi muraaqibeeya cunaqabataynta Somalia ayaa sheegay in KDF ay weerarayeen ilaa 12 anteeno oo ay leedahay shirkadda Hormuud Telecom, oo ah hay’ad isgaarsiineed oo saldhigata Muqdisho, tan iyo 2017-kii, weerarrada ayaa gebi ahaanba ka dhacay gobolka Gedo.

Hal weerar ayaa waxaa ku dhintay nin ilaalo ahaa iyo qof qaraabo ah oo la joogey bishii Luulyo 2018-kii, kaddib markii madaafiic lagu duqeeyay xarun ay leedahay Hormuud. Warbixinta ayaa sheegtay in ugu yaraan hal weerar yahay dhanka cirka.

Hormuud Telecom ayaa horay u sheegtay in KDF aysan kaliya burburin anteenooyinka, balse ay sidoo kale baabi’iyeen matoorrada dabka dhaliya, beteriyo iyo dhismayaashii.

DF Somalia ayaan marna ka hadlin tacadiyadan ay ku kacayaan KDF oo sheegta inay Somalia u joogaan nabad ilaalin.

Hadalsame Media