Sawirkan oo noqday midka ugu hadalhayn badan baraha bulshada & dadka oo laba u qaybsamay!

0

(Paris) 13 Nof 2019 – RW Somalia Xasan Cali Khayrre oo ku sugan magaalada Paris oo uu kula kulmayo madaxda Faransiiska, kuwo caalami ah iyo hay’aad gaar ah ayaa waxaa laga soo qaaday sawir hadal hayn badan abuuray.

Sawirka ayaa waxaa ka wada muuqda Wasiir Dibadeedka Ruushka Sergey Viktorovich Lavrov iyo RW Khayrre oo aanu midba kan kale eegayn.

Lavrov ayaa woxoogaa hoos eegaya, halka Khayre uu fiirinayo meel ka yara dadban isaga, halkaa markii ay marayso ayaa loo kala baxay dhowr qaybood:

Qayb amaanaysa Raysal Wasaaraha oo ka dhigaysa in laga ”haybaysanayo” iyo qolo kale oo ku wiirsanaysa aragtidaas oo ay u arkaan mid woxoogaa ka ”badbadis ah.”

Sawirkan ayaa noqday midkii ugu hadal haynta badnaa 24-tii saacadood ee tegey dhanka baraha xiriirka bulshada Soomaalida.

Hadalsame Media