Kenya oo Somalia u aragta dal ”HALIS ku ah amaanka adduunka” (Arag sida ay dalalku isu arkaan!)

0

(Hadalsame) 12 Nof 2019 – Dadka waddamo kala duwan ayaa la waydiiyay dalka ay u arkaan inuu halis ku yahay amaanka adduunka, ama haddii si kale loo yiraahdo amaankooda.

Sida khariiradadda ka muuqata dalal ay Hindiya ka mid tahay waxay calaameeyeen deriskooda sida Pakistan oo iyaduna aan deriska ku noqone Maraykanka iska eegaysa.

Kenya, waxay dadkeedu halis wayn u arkaan Somalia oo ay calaameeyeen, halka aan Somalia xog laga qaadin maadaama aysan daraasaddan ka qayb gelin.

Waxaa cajiib ah in Mexican-ku ay cadowga 1-aad u arkaan Maraykanka, halka Maraykanku aanay calaamayn Ruushka oo iyaga u arka halista 1-aad, balse ay Iiraan farta ku fiiqeen.

Waxaa kasii daran in dalal reer Galbeed ah ama olog la ah sida Jarmanka, Spain, Australia, South Africa, inta badan Latin America ay Maraykanka ku tilmaameen halista amaan ee dunida ka taagan.

Hadalsame Media

Facebook Comments