Sababtii loo dib dhigay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo la SHARRAXAY!! (Sawir caddayn ah)

0

(Muqdisho) 10 Nof 2019 – Maareeyaha hay’adda duulimaadyada rayidka, Axmed Macalin Xasan ayaa faah faahiyey sababtii loo xayiray diyaaradii qaaday Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka ku sii jeeday degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ugu horreyn Maareeyaha ayaa beeniyey in amar ka soo baxay dowladda ama arrimo siyaasadeed loo hakiyey duulimaadka wafdigaasi, balse wuxuu tilmaamay in roobab xoogan oo xalay ka da’ay ay saameyn ku yeesheen garoonka diyaaradaha Beledweyne.

Axmed Macalin Xasan ayaa xusay in qiyaas ahaan 600 oo mitir oo garoonka ka mid ah ay biyo fariisteen, islamarkaana la hubinayey kaliya in diyaaraduhu tagi karaan halkaasi.

Sidoo wuxuu tilmaamay in amniga garoonka ay gacanta ku hayaan ciidanka nabad ilaalinta AMISOM, islamarkaana aysan jirin wax qal-qal ah oo jira iyo xayiraad lagu soo rogay diyaaradii u kireysneyd wafdigga uu hoggaaminayo, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Inkastoo markii dambe la fasaxay wafdigan, hadana ma jiro illaa iyo wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca hoggaanka madashada xisbiyada Qaran oo ku aadan arrintaasi.

Si kastaba, warkan ayaa cagsi ku ah mid ay sheegayeen qaar ka tirsan ragga sheegta inay ka mid yihiin mucaaradka Xukuumadda ayaa baraha bulshada ku faafiyay warar tilmaamaya in la ”xannibay ama xitaa la xirey” madaxdii hore.

Xigasho: Caasimadda Online

Hadalsame Media