Dablay weerar ku qaadday gaari ay saarnayd gabar UNSOM u shaqaysa

0

(Muqdisho) 10 Nofembar 2019 – Dabley hubeysan ayaa maanta duhurnimadii weerar ku qaadday gaari ay saarneyd gabar u shaqeyneysay xafiiska UNSOM Somalia qeybiisa magaalada Garoowe.

Weerarka ayaa la sheegay in ay ka badbaadday Luul Axmed oo ahayd gabadhi weerarka ay ku qaadeen kooxdaasi hubaysan, sida uu ku soo waramayo wariyaheena magaalada Garowe Cali Xasan.

Wariyaheena ayaa soo sheegay in xilliga weerarku uu dhacayay Luul ay saarneed qeybta hore ee gaariga mana jirin cid ku waxyeelowday weerarka.

Luul oo la xiriiray wariyaheena  ayaa ka gaabsatay in ay ka warbixiso dhacdada weerarka iyo cidda kusoo qaadday  waxaana ay ku gaabsatay in ay ka badbaadday weerarka iyadoona  sheegtay in ay caafimaad qabto hadda.

Goobjoogayaal ka agdhawaa goobta weerarku ka dhacay ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay ahaayeen laba ruux ku hubeysnaa bistoolado waxyar kaddibna ay goobti ka baxsadseen.

Ma aha marki ugu horreysay ee ay kooxo hubaysan ay weerar ku qaadaan shaqaale ka tirsan hay’adaha gargaarka hase yeeshee mar sii horreysay ayay ahayd marki kooxo hubaysan ay ay suuqa Bakaaraha ku toogteen  Maryan Cabdullaahi oo ahayd gabar u shaqeyneysay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

 

Hadalsame Media