Ciidamo hor leh oo kusoo biiray Ciidamada Xoogga Dalka Somalia

0

(Beled Xaawo) 10 Nof 2019 – Boqollaal ciidan ah oo hor leh oo daacad u ahaa Wasiirkii Amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, ayaa ku biiraya ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay tilmaamayaan xogaha ka imanaya dhanka Gedo.

Xogaha ayaa tilmaamaya in ciidankan oo fadhigoodu yahay Beled Xaawo ay dawladda ku raaceen in lagu daro Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiir Janan aoo bishii Sebtembar lagu xirey magaalada Muqdisho ayaa ku eedaysan tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadnaha, waxaana xariggiisa bogaadiyay oo soo dhowaysey hay’ado ay ku jirto Amnesty International.

Dadka degaanka qaarkood ayaa ninkaa ku eedeeyay inuu tarab tarab u laayay dad badan oo shacab iyo madaxba iskugu jira oo isaga saluugsanaa.

Hadalsame Media