Somalia oo ka mid noqotay soo galootiga ugu badan dalka Maraykanka (Laba gobol oo u xiran)

0

(Minnesota) 09 Nof 2019 – Bank of America Merrill Lynch ayaa soo saaray qoraal uu cinwaan uga dhigay “Transforming World Atlas” taasoo muujinaysa isbeddelka ku dhacay dadka soo galootiga ah ee dalka Maraykanka.

Wuxuu bankiga oo diiradda saarayay saamaynta dhaqaale dhaqan dhaqaale ee dadkaasi uu soo qaatay gobol kasta dadka ugu tirada badan soo galooti ahaan, isagoo dul saaray calanka dalka dadkaasi.

Xogtan oo ku salaysan warar ay ururisay Hay’adda Amaanka Qaranka (Department of Homeland Security), ayaa muujinaya in marka laga soo tago Mexico, ay dadka soo galootiga ah ee u badan Maraykanku yihiin kuwo kasoo jeeda Burma, China, India, iyo Philippines.

Dalka Somalia ayaa ugu badan labada gobol ee woqooyiga dhaca ee Minnesota iyo Maine.

Hadalsame Media

Facebook Comments