”Nebi Muxamed (NNKH) wuxuu ahaa qofkii ugu cuslaa ee caalamka soo mara!” – Michael Hart

0

(Hadalsame) 09 Nof 2019 – Michael Hart waxaa uu 28 sano qorayey buuggiisa lagu magacaabo العظماء المائة kaasoo uu kusoo qaatay 100 kii qof ee ugu saamaynta badnaa ee dunida soo maray.

Hadalladii uu ka jeediyey bandhigga buuggisa oo lagu qabtay magaalada London waxaa kamid ahaa hadaladiisa:

“Nin baa wuxuu dhex istaagay magaalo yarroo Makka la yidhaahdo wuxuuna yiri,” waxaan ahay nabi ILAAHAY baana isoo direy waxaa la iisoo direy inaan dhammaystiro akhlaaqda wanaagsan.”

”Waxaa rumeeyey 4 qof islaantiisa, saaxiibkiis iyo laba ilmood.
Hadda waxaa laga jooga soo bixitaanka nabigaasi NNKH wax kabadan 1400 sano tirada muslimiintana waxa ay gaartay wax ku dhow laba bilyan maalin kastana tiradiisa waa ay sii siyaadaysaa macquul ma ahan in nabigaasi uu been sheegayey, mana suura galayso in beenni ay noolaato 1400 oo sano mana jiro qof qaldi kara laba bilyan oo qof.”

Intaa waxaa dheer, iyadoo laga joogo dhimashada nabigaasi muddadaa sidaa u badan ayaa haddana waxaa dunida laga helayaa malaayiin muslimiin ah oo diyaar u ah inay naftooda u huraan difaacidda nabigaasi iyagoo aan waligood arag.

Majiro qof masiixi ah oo naftiisa u huraya nabigiisa ama xitaa rabbigiisa. Maxammed waa qofkii ugu cuslaa ee dunidan soo maray”.

Waxaa Diyaariyay: Ibraahim Aadan

Hadalsame Media