Guddoomiye Dhoobo Daareed oo tikniko wata oo Xin-galool gaarey, ujeedka + Sawirro

0

(Xin-galool) 09 Nof 2019 – Wararka ka imanaya dhanka gobolka Sanaag ayaa tibaaxaya in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamul goboleedka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) uu gaarey degaanka Xingalool.

Waxa la sheegayaa in Dhoobo Daareed uu Xingalool tegey isagoo wata 9 gaari oo ah nooca uu hubku saaran yahay ee tiknikada.

Waa safarkii ugu horreeyey ee uu aaggaasi ku tago tan iyo markii si muran sharci ah dhalisay loo sheegay in xilkii looga qaaday.

Dad ku dhow dhow goobta ayaa Hadalsame u sheegay inuu shir la qaadan doono cuqaasha degaanka iyadoo laga arrinanayo tillaabada xigta ee la qaadayo, jeer ay dadka degaanku muujiyeen inaysan aqbalsanayn qaabka xilka looga qaaday Guddoonka oo ay ku tilmaameen mid dhinac marsan sharciga iyo heshiiskii lagu dhisay maamulka Puntland intaba.

Hadalsame Media