DAAWO: Gabdho Soomaali ah oo ka cowday XADGUDUBYO ay ka mutaan Isbitaalka Masaarida ee Muqdisho (Eed saaran DF Somalia)

0

(Muqdisho) 09 Nof 2019 – Howlwadeennada caafimaad ee Isbitaalka Masaarida ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sameeyeen shaqo joojin ay uga cabanayaan xuquuq la’aan halkaa ku haysata.

Shaqaalahan oo u badan gabdho Soomaaliyeed oo qaabab kala duwan halkaa uga shaqeeya, ayaa ka cowday in aan loola dhaqmin si ixtiraam leh iyo in mushaarooyinkooda markii la doono lala daaho ama sabab la’aan looga dhimo intii lagula heshiiyay.

”Aslanba meeshan waxaa ku amar ku taagleeya nimanka shisheeyaha ah, Soomaali haddaan nahay wax xuquuq ah meeshan kuma lihin.” ayay ku qaylinaysaa gabar ka mid ah shaqaalaha oo ay ku hareeraysnaayeen qaar kale oo sare u taagaya warqado ay kusoo qoreen ”waxaan dalbanaynaa xuquuqdeena!”

Maamulka isbitaalka ayaa diidey inay saxaafadda arrintan kala hadlaan, iyagoo ciidan isku gedaamey sida uu sheegay weriyaha Universal TV.

Si kastaba, shacabku ma oga qandaraaska ay isbitaallada noocan ihi dalka ku joogaan, takhasuska ay qabtaan, inay gaar yihiin ama guud iyo waxa dan ah oo lagu qabo, waana arrin eegaysa DF Somalia oo aan weli samaynin xeerar loo qaateen ah oo dhanka xuquuqda shaqaalaha ah.

Hadalsame Media