Qadar oo noqotay dowladda gargaarka ugu badan ku bixisay daadadka Somalia + Sawirro

0

(Muqdisho) 08 Nof 2019 – Dowladda Qadar ayaa Muqdisho soo gaarsiiyay gurmad deg deg oo ah gargaar ka kooban 44 tan, taasoo loogu tala galay daadadka ka jira gobollada dalka, gaar ahaan Beledwayne.

Guddoomiyaha guddiga gurmadka fatahaadaha oo ah Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa oo deeqdan oo iskugu jirta waxyaabo asaasi ah guddoomey ayaa dowladda Qadar ku amaanay sida ay uga jawaabtey baaqii DF Somalia.

Ma aha deeqdii ugu horreeysey waayo dowladda Qadar ayaa maalmo yar uun ka hor waxay Muqdisho keentay 42 tan oo gargaar ah, taas oo isu gayn gargaara Qadar ka dhigeysa 86 tan, waana dalka ilaa iminka kaligii bixiyay gargaarka ugu badan.

Gargaarka labaad ee dowlada Qatar uga weyb qaadaneyso fatahaadaha Wabiyada dalka ayaa ah wejigii labaad waana deeq ka duwan tii hore oo ku koobneyd Agabka dhaxan iyo maro kaniicooyinka.

Gudiga gurmadka fatahaadaha Wabiyada oo gurmadka la wareegay ayaa wada qorshe si deg deg ah gurmadkaan loogu gudbinayo gobolada fatahaaduhu ka jiraan.

Hadalsame Media