Kuwa xilka raboow MUCAARADNIMADA micne u yeela, kuwa xilka hayoow MADAXNIMADA miidaamiya!!

0

(Hadalsame) 08 Nof 2019 – Sida qabsata xukuumad kasta oo xilka qabata waxaa la koowsada qolo mucaarad ah, nasiib xumo mucaaradnimadu inta badan kuma mashquulsana kama hadasho waxyaabaha asaasiga u ah nolosha dadwaynaha, balse waxay inta badan ku fooggan tahay kursiga. Waa mucaaradad aad biddaal lahayn, xusuuso wixii dhacay markii dowladda la ridey 1991-kii.

Tusaale waxaa kuugu filan sida ay ugu kala ordeen is caleemo saarka Axmed Madoobe & sida ay uga caga jiideen gurmadka Beledwayne.

U fiirso adabka hadalka mucaaradka (rhetorics): ”Dowladdu waa ku darsan rabtaa”, ”mooshin xukuumadda lagu ridayo”, waa inay nala tashataa (yacni awood raadin ama ku qabsi)” ”dastuurka halla ilaaliyo (marmarsiinyo” iwm, ”dowladdu dalka waa uga dartay (dayro iyo been)”, ”dowladdu waxba ma qabanin (dafiraad).”

Nin baa igu yiri inay dowladdu meelo badan ku fiican tahay waa ognahay, balse ”siyaasadda xisbigeenna ka tarjumi mayso inaad wanaaggeeda sheegno!”. Ilaah aan ka baqnee, qofka sidaas u hadlayaa ma dal iyo dad buu ka naxayaa mise wuxuu wax kasta u kharribayaa kursi dartii?

Mucaaradku waxay la saftaan cid kasta oo kasoo horjeedda xukuumadda xilligaas jirta – dhowr qof oo xishoonaya maahane – xitaa qaar baa dabada ku wata dalal la diriraya danaha dalka sida Imaaraadka oo halgankiisu ku salaysan yahay sidii Somalia looga hor istaagi lahaa inay baraarto oo dekedo waawayn samaysato, taasoo ay Imaaraadku u arkaan halis amaankeeda qaran ee LUUQA ku yaalla ka dhan ah.

Waxay biilaan wax xisbiyo lagu sheegayo balse u samaysan qaab NGO, kuwaasoo looga baahan yahay inay khudbad kasta ku dhaliilaan dowladda iyo dalalka caawiya sida Turkiga, Qadar iwm, waxaa kaloo looga baahan yahay inay umadda qaybiyaan, isku diraan, si shacabka loo jeediyo oo la iskugu jeediyo.

Mid baa markii ay Kenya ku xadgudubtey hawada Somalia la waydiiyay ”Sidee u aragtaa inay Kenya iska soo gasho hawada Somalia, iyadoo aan fasax ka qaadan DF Somalia?!”

Wuxuu si jees jees ah u bixiyay jawaab uu isagu nooga dhigayo inuu rag ku macaaradayo, balse si cad u bahdilaysa qarannimada Somalia. ”Tabartooda ayaa la tusay!” ayuu yiri isagoo qoslaya. Yaa tabartooda la tusay ma Farmaajo iyo Khayrre mise Somalia? Waa su’aal abid hor taalla.

Marar kale, waxay ku celceliyaan aragtiyo ay qabyaaladi ka dhadhamayso amaba ka muuqato, hanjabaado dugsi hoose ah sida wax baa burburaya, waa la qaxayaa, 91 ayaa loo noqonayaa iyo eedo laga keenayo meelo aanay ahayn in doodaha siyaasaddaba lagu soo daro, sida AMAANKA iyo DANAHA qaranka oo dood la gelinayo.

Waxay daar daarayaan ciidamada Somalia loo tababarayo, qaabka loo tababarayo ayay durayaan, deeqaha dalka la siinayo ayay e-mail ka daba dirayaan, dayn cafinta ayay dood ka qabaan, waxay kalsooni tirayaan in wax lagu aamino Dowladda Somalia. Waa yaabe haddii aad intaaba ka hor jeesato see iigu sheegaysaa inaad doonayso inaad dalka xukunto oo horay u waddo? Waxan aad turaanturrooyin dhigayso oo dhamise soow caqabad adiga berri kusoo wajahaysa maaha haddii aad lacalla xilka qabato? Aaway mas’uuliyaddii, aawayse xilkasnimadii laga doonayay mucaaradka ee ay ahayd inay iyagu shacabka u muujiyaan inay laxa-jeclo ka hayso wanaagga iyo guusha dalka iyo dadka? Haddii aadan adigu saxnayn sidee wax u saxaysaa?!

Waxaa ka daran in inta hadda isla socota aysan berri isu ogolaanayn hal koob oo waarikoow ah marka ay kuwa hadda joogaa baxaan, sidii dhici jirteyba. Qaarkood adduunka ayay shalay isugu nebcaayeen, haddana jacayl gaar ihi ma jiree, waa jid falasho.

TALO – Mucaaradoow, waa loo baahan yahay in dowladda la dhaliilo, balse ka hadla waxyaabaha badan ee ka khaldan xukuumadda, balse meelaha qaar ha taabanina, haddii kale idinkaa ku micne beelaya, dad siyaasadda qoondeeyana (political strategists) samaysta oo ka tala qaata, siyaasaddu waxay leedahay adab iyo qaab loo adeegsado si adiga kuu dan ah (your benifit) haddii aad xarkaha laga garaaco khaladdana adigaa is tooganaya, waayo ma aha in aad caloosha soo qufto, mar kasta oo aad hadasho, oo aad sidaa ku lumiso dad badan oo ka mid ah wax-garadka oo ku taageeri lahaa haddii aad u khidaabto qaab micne leh.

Taageerada kuwa daad-xoorka ah ee ama dir ahaanta kuu taageeraya ama dan kugu qaba weligaa haka cabbir qaadanin, waxaad ka cabbir qaadataa ra’yul caamka dadka guud ee Soomaaliyeed, waayo adigu afar kugu qabiil ah ama kugu qoondo ah xukumi maysid.

La soco berri qaybta ku socota madaxda xukuumadda i/A

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media