”Waa safar caashaq!” – llhaan Cumar oo lagu haysto $369,000 oo ay ku bixisay Mynett (Dacwad heer Federaal ah oo laga gudbiyey)

0

(Washington, DC) 07 Nof 2019 – Guddiga Muraaqibeeya Doorashooyinka Federaalka Maraykanka ayaa waxaa loo gudbiyay dacwad ku aaddan inay baaraan in Ilhaan Cumar ay lacagta danta guud ku kharash garaysay safarro uu la galay saaxiibkeed.

Peter Flaherty, oo ah guddoonka hay’ad muxaafid ah oo dhanka sharciga u dhuun daloosha, ayaa markale gudbiyay dacwad ka dhan ah qaabka ay u maamushay lacagaha danta guud isagoo ku doodaya inuu jiro musuq iyo nin tooxsi.

Flaherty ayaa Guddiga Doorashooyinka Federaalka ka dalbaday inay baaritaan ku sameeyaan lacagaha ay bixisay wakiilka gobolka Minnesota ee ay siisay E Street Group oo uu leeyahay saaxiibkeed Mynett.

Waxaa diiwaanka ka muuqda in Ilhaan ay Mynett siisay adduun dhan $369,000 tan iyo markii ay adeeggiisa ijaaratey bishii Agoosto 2018 ilaa Sebtembar.

Ku dhowaad $25,000 oo doollar ayaa waxaa ku qoran inay ku baxeen safarro gaar ah oo ay labadoodu galeen.

”Haddii ay Ilhaan ay lacagtii guud u adeegsatey wada socod caashaq, kharashka baxay waa in loo arkaa mid shakhsi ah,’ ayaa ka mid ah dacwadda Flaherty.

”Xeerka Federaalka ihi wuu mamnuucayaa in lacagaha danta guud loo adeegsado dano shakhsi ah,’ ayuu daba dhigay qoraalkiisa dacwadda ah.

Haatan waxaa la sugayaa tillaabada ay qaadi doonaan Guddiga Doorashooyinka Federaalka Maraykanku, iyadoo tillaabadan ay Ilhaan qaadday iyo arrimaha ninkan lagu sheegay mid marka dambe ka shaqaynaysa jabkeeda.

Hadalsame Media