Talyaaniga oo malaayiin doollar ku bixinaya qalabaynta isbitaallo dhowr ah oo dalka ku yaalla (Heshiis dhacay)

0

(Muqdisho) 07 Nof 2019 – Heshiiskaan ay wada saxiixdeen Wasiirka Wasaaradda Caafimadka ee xukuumada federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiiya Abiikar Nuur iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa gaaraya ilaa 3 milyan oo Euro, oo ay Dowlada Talyaanigu ugu talagashay in wax looga qabtay Caafimaadka dadka Soomaaliyeed oo  wasaaradda Caafimaadka loo marsiinaayo.

Isbitaallada wax laga qabanayo ama la qalabaynayo wejiga 1-aad ayaa waxay kala yihiin Muqdisho, Beledwayne, Jowhar, Marka, Xuddur iyo qaar kale.

Amb. Alberto Vecchi Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay si wadayaan taageerada Caafimaadka oo ka koobnaan doona kuwa gaarka loo leeyahay iyo waliba kuwa Dowliga ah.

“waan sii wadi doonaa taageerada dhinaca Caafimaadka ee Dadka Soomaaliyeed waxaana uga mahadcelinayaa Wasaaradda sida ay noola shaqeyneyso”

Waxaa kale oo ay ku wareejiyeen Qalab loogu talagalay hooyada iyo dhalaanka oo ka mid ah adeeyyada Isbitaalka uu bixiyo, waxaana  Wasiir Fowsiya sheegtay in Qalabkaan uu wax badan kusoo kordhin doono Isbitaalka iyadoona sidoo kale uga mahadcelisay Dowladda Talyaaniga taageerida ay siiyaan bulshada Soomaaliyeed.

“Soomaaliya iyo Talyaaniga xiriir qoto dheer ayaa ka dhaxeeya waana ku mahadsanyihiin taageerada dhinac walbo qalabkaan wax badan ayaa ku kor dhin doonaa shaqada Isbitaalka iyo dadka adeega u baahan”

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay Mamulka iyo gacan ku heynta Isbitaalka Martiini biloowgii bishii feebaraayo ee Sanadkaan waxaana haatan adeegyo Caafimaad uu u qabtaa ilaa 40,000 dadka gaaraya, weliba si bilaash ah.

Hadalsame Media