DEG DEG: Kulan xilka looga qaadayo Guddoonka Baarlamanka oo ka socda Garoowe (Arag magacyada xildhibaannada mooshinka wada)

0

(Garoowe) 07 Nof 2019 – Warar haatan ka imanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya inuu bilowday kulan ay yeelanayaan qaar ka mid xidhibaannada oo xilka lagaga qaadayo Guddoonka Baarlamanka.

Hoolka gollaha wakiillada Puntland ayaa waxaa haatan ka soconaya mooshinkan xilka looga qaadayo Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Puntland, Cabdixakiin Dhoobo-daareed.

Kulankan oo uu Guddoonku ka maqan yahay, ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiye xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Puntland Qarreen Cabdicasiis.

Dhinaca kale, xildhibaannada kulankan jooga ee mooshinka wada ayaa la sheegay inay isla xalay saxiixeen mooshinka oo sida muuqata ay soo diyaarisay xukuumadda Deni oo ay is hayaan Guddoonka Baarlamanka, kaasoo ay saxiixeen 44 xildhibaan.

Dadka degaanka ayaa ka digey tillaabo kasta oo wax u dhimi karta nidaamka iyo wadajirka dadka maamulkaasi iyagoo Deni ku eedeeynaya kali talisnimo qar ka tuuri karta waxyaabo badan, iyagoo tillaabadan ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Wixii kasoo kordha kala soco wararkeena danbe…..

Hadalsame Media