DAAWO: Weerarkii lagu laayay qaxooti ay Soomaali ku jirto oo lugta la galay Imaaraadka! + Sawirro

0

(Tripoli) 07 Nof 2019 – Gantaalkii lagu le’day ee lagu dhuftay xero ay ku jireen dad tahriibayaal ah oo ku sugan Libya, ayaa la sheegay inay soo riddey dayuurad dagaal oo uu leeyahay dal shisheeye, sida ku cad warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay QM oo ay aragtay BBC Carabi.

Dalna lama magac dhabin, balse ilo arrintan u dhuun daloola ayaa xaqiijiyay in dalkaasi yahay Imaaraadka Carabta.

Ha yeeshee, markii ay BBC-du isku dayday inay arrintaa wax ka waydiiso madaxda Imaaraadku waa diideen inay gebi ahaanba kiiskan ka hadlaan.

Weerarka ayaa dhacay bishii Luulyo, waxaana ku dhintay 53 qof oo qaxooti ah, halka ay ku dhaawacmeen 130 kale, waxaana loo arkaa dembi dagaal, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan QM.

Inta badan dadkaa lagu laayay xerada qaxootiga ee Tajoura, oo ku taalla bariga caasimadda Tripoli, waxay ahaayeen Afrikaan ka yimid dalalka ka hooseeya Saxaraha oo u gudbi lahaa qaaradda Yurub, kuwaasoo ay Soomaali ka mid ahayd.

Guddi uu saaray Golaha Amaanku ayaa muddo bilo ah baaris ku wada inay soo helaan dalka ka dambeeyay weerarkan bahalnimada ah, iyadoo ay warbixintu weli qabyo tahay, balse ay soo bixi doonto bilaha soo aaddan, iyadoo Arbacadii loo celiyay GA, sida ay sheegtay BBC Carabi.

Warbixinta ayaa sheegtay in dayuuradda weerarka gaysatey ay tahay nooca Faransiis sameega ah ee Mirage 2000-9, iyadoo ay jirto inay bariga Libya joogaan dayuurado noocan ah oo ay leeyihiin Masar iyo Imaaraadku, kuwaasoo ku sugan saldhigyada cireed ee Jufra iyo al-Khadim, si ay cirka uga taageeraan ciidamada Hoggaamiye Kooxeedka Khaliifa Xaftar.

Libya ayaa waxaa saaran cunaqabatayn dhanka hubka tan iyo 2011. Imaaraadka ayaana saxiixay bishii Agoosto 2019, inuu ixtiraamo go’aankaasi.

Hadalsame Media