(Nairobi) 07 Nof 2019 – Siyaasiyiinta gobolka Woqooyi Bari (NFD) ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay tirakoobka guud ee ay samaysay Dowladda Kenya, taasoo dhowaan soo baxday muranna dhalisay.
Siyaasiga Biloow Keeroow ayaa bartiisa Twitter kusoo qoray: ”Dadka reer Woqooyi Bari, waa wax aan la rumaysan karin in dadka 3 degmo oo kala ah Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera ay la mid noqdaan midka hal degmo oo ah Kiambu oo lagu wada sheegay 2.4 milyan oo qof.”
”Taasi waxay ka dhigan tahay in Woqooyi Bari ay 10 sano ku korortay 80 kun oo qof, halka mudadaasi ay Kiambu ku korortay 800 kun. Na hawazai” ayuu daba dhigay.
Waxaa ka daray siyaasiga Kenyan-ka ah ee Moses Kuria oo u jawaabayay Bilow Keeroow oo Twitter-ka kusoo qoray inay ”shahwadooda u geeyaan Waaxda Tirakoobka Qaranka (KNBS), si ay u caddeeyaan sheegashadooda ku aaddan inay (NE) ka tiro badan yihiin inta lagu sheegay.
Siyaasiga Faarax Macallin ayaa isna siyaasiyiinta Gobollada Dhexe ee Kenya ku eedeeyay inay fara fareeyeen daacadnimada tirakoobka la sameeyay, isagoo sheegay ”inay inta seexdeen kaddib ku riyoodeen tirada” shacabka Woqooyi Bari. ”Geeridii Galbeed laga sheego gondahaaga ka eeg” ayuu yiri.
The only best thing these politicians from NFD can do is: leave Kenya pic.twitter.com/fzYbJvZP2a
— MyWorld (@KingYusufYusuff) 6 november 2019
For those from North Eastern (NE), it is incredulous that the population of the 3 counties of Mandera, Wajir & Garissa is 2.4 million, same as Kiambu county at 2.4 million! NE grew by 80k in 10 years whilst Kiambu grew by 800k. Na hawazai! #RejectCensusYaVifaranga https://t.co/DCg1V5Gv7Y
— billow kerrow (@bkerrow) 4 november 2019
Population census in Kenya is always riddled with manipulation. Central Kenya leaders can now celebrate the shrinking of Somali Population. For ten good years leaders from Central Kenya slept, woke & dreamt the population of former NEP. Remember what goes around comes around.
— Farah Maalim EGH (@FarahMaalimM) 4 november 2019
Hadalsame Media