”Waa na SUMEEYEEN!” – Siyaasi Hindi ah oo sheegay inay Pakistan ”gaas sun ah ku buufisay hawada Delhi!”

0

(New Delhi) 06 Nof 2019 – Diqoowga fara ka baxa ah ee ku gufaacaya hawada New Delhi ayay dhici kartaa inay tahay kiimiko sun ah oo uu hawada ku buufiyay dalka Pakistan, sida uu ku doodayo siyaasi Hindi ah oo soo jeediyay in arrintan “il dheer loo yeesho.”

“Waxaa dhici karta in gaas sun uu nagu sii daayay dal kasta oo deris ah oo naga baqanaya,” ayuu yiri hoggaanka Meerut BJP Md Vineet Agarwal Sharda.

Wuxuu farta ku godey labada dal ee Pakistan iyo China oo uu safka hore geliyey, wuxuuna sheegay in Hindiya “ay si dhab ah uga fikirtaa” in Islamabad ay sun ku buufisay hawada Delhi.

Wuxuu kaloo sheegay in Pakistan ay aad uga cabsanayso RW Narendra Modi – oo iskula jiraan xisbiga BJP – isagoo ku faanay in Hindiya aysan abid ku guul darraysan dagaal ay la gashay Pakistan.

Hadalsame Media