SHUKAANSI SIYAASADEED: Bal ka bogo sida ay siyaasaddu arrimihii qoysaskana u dhex gashay!

0

(Hadalsame) 06 Nof 2019 – Soomaalidu wax ay siyaasad ku sheegayso, balse marka aad u fiirsato gebi ahaanba wax kale ah ayaa si xun u dardaray, siyaasaddu waxay gaartaa reer calamo kala sita ama ururro reereed kala taageersan. Bal hoos ka eeg shukaansi adeegsanaya eray bixino siyaasadeed.

Wiilkii:- Hallow Walaalo waxaan rabaa inaan Shir Albaabadu u xiran yihiin aan wada yeelano (inaan kulano)

Gabadhii:- Waxba kama qabo waa inoo Beri galab insha allah.

KADDIB MARKII LA KULMAY

Wiilkii:- Walaal weli Dowlad ma soo dhistay (ma lagu Guursaday).

Gabadhii:- Haa Aboowe.

Wiilkii:- Ma lagu Aqoonsaday (Ubad ma Dhashay).

Gabadhii:- Maya Aqoonsi ma jiro Miisaaniyada Dalkuna Hoos bey u dhacday (Biilki ayaa Adkaaday).

Wiilkii:- Dabadeedna.

Gabadhii:- Mooshin baan ka keenay (Dacwad Furis ah), sidaasaan Cod Aqlabiyad ah kaga guulaystay (Ogolaansho Labada Dhinac ah) ayaan ku kala tagnay.

Wiilkii:- Armaad anigana Mooshin iga keentaa haddii Miisaaniyadda Dalku hoos u dhacdo (Dhaqaale la’aan ytimaado).

Gabadhii:- Maya waxaan kuu samaynaa muddo kKordhin (waan kuu Sabrayaa) waayo waxaan ogaaday in Dawlad la’aani ay Dawlad xumo dhaanto (Nin la’aan iney Nin Xumo dhaanto).

Wiilkii:- Hadda ma ii Codeysay? (Ma i Ogolaatay).

Gabadhii:- Haa weliba waan kuugu Shubayaa (Aniga ayaa ku garab taagan).

Wiilkii:- Hagaag, doorashadeenu sidee bay u dhacaysaa (Meherkeenu) ma Hab deegaan mise 4.5 (mid ay Labada Reerba isugu imaanayaan).

Gabadhii:- Maya ma rabo 4.5 waxaan rabaa Hab deegaan (waan Deriska iyo Asxaabtuba isku arkaan).

Wiilkii:- Ok Insha Allaah waxaan Sugnaaba waa Waqtiga Doorashada (Waqtiga Meherka)

Yaab badanaa!

Xigasho: Keenadiid Media

Hadalsame Media