”Hadda waa hubnaa inay wada nool yihiin!” – Saxaafadda oo soo bandhigtay cadaymo cusub oo sawiran! (Odaygeedii oo ay kala tageen)

0

(Washington, DC) 06 Nof 2019 – Ilhaan Cumar ayaa iminka la sheegayaa inay si rasmi ah u kala bexeen saygeedii, bilo uun kaddib markii ay saxaafaddu kashiftay inay xiriir qarsoodi ah la leedahay nin iyada la shaqeeya, waxaana hadda soo korortay inay qaab dhuumaalaysi ah ugu wada nool yihiin guri uga ijaaran Washington D.C.

Wakiilka Minnesota ee Kongrayska ayaa dacwadda furriin dalabka galaysay bishii Oktoobar, 3 bilood kaddib markii uu DailyMail.com weriyay inay kala hareen odayga 3-deeda caruurta ah ee Axmed Xirsi, iyadoo xilligaa u guurtey guri qaali ah oo ku yaalla magaalada Minneapolis.

Bilihii xigey isla DailyMail.com ayaa kashifay inay Cumar la xiriir la leedahay Tim Mynett, kaasoo ay xaaskiisa Beth ka masayrtay kaddibna ay furriin codsatay bishii Agoosto, iyadoo duqeeda ku eedaysay inuu naag kale jacayl u qirtay.

Haatan isla DailyMail.com ayaa soo qaatay sawirro uu sheegay inuu yahay guri seeralaawe ah oo ay ku wada nool yihiin Ilhaan iyo Mynett kuwaasoo aan mar qura ka bixin ama gelin guriga, sidoo kalena marka ay safrayaan waxay degaan hal qol, waxayna qorshaynayaan inay fasax tamashle ah ugu baxaan dalka Jamaica marka la gaaro fasaxa bisha Diseembar, sida uu isna weriyay TMZ.

”Tim wuxuu iska dhidhigayaa inaysan waxba jirin, balse midkoodna cidna ma siri karaan. Waxay xitaa qorshaynayaan safar tamashle ah fasaxa Chrstmas-ka” ayuu DailyMail.com u sheegay qof aad ugu dhow arrimahan.

”Cumar waa wakiil la doortay, marka waa inay muujisaa daah-furnaan iyo run. Waxay u baahan tahay inay daacad noqoto waana khalad inay guurkeeda baabi’iso guri kalena dumiso.” ayuu qofkaasi raaciyay.

DailyMail.com ayaa soo bandhigay sawirro uu sheegay inay caddayn u yihiin in Omar iyo Mynett ay hal meel wada degaan markasta oo ay iyadu timaado Washington, DC.

Mynett ayaa lasoo sawiray isagoo kasoo baxaya ama sii gelaya guriga ay ka deggan tahay caasimadda oo dhowr daqiiqo uu u jira xarunta Koongarayska ee Capitol Hill, isagoo wada dhar, cunto iyo xirmooyin biirka loo yaqaanno Stella Artois.

Waxaa kaloo la arkay isagoo Omar si deg deg ugula cararaya gaari buluug ah oo ah nooca Ford Mustang, waloow ay sheegto inuu amaankeedu halis ku jiro kaddib markii ay u dhaarteen kooxaha cunsuriga ah.

Halkan ka daawo sawirrada…

Hadalsame Media