DEG DEG: Dagaalka ka socda xarunta Baarlamanka Puntland & faahfaahinta weerar lagu qaaday, saxaafadda maxalliga ah

0

(Garoowe) 06 Nof 2019 – Masuuliyiin katirsan baarlamaanka Puntland Iyo Saraakiisha ammaanka xarunta golaha oo la hadlay PuntlandTimes ayaa u sheegay in weerar culus oo abaabulan lagu qaaday xarunta golaha oo ay ka dambeeyeen ciidamo katirsan kuwa Ilaalada Madaxtooyada oo amar ka haysta.

Ciidamadan ayaa weerar labo dhinac ah ku qaaday xarunta si ay uqabsadaan berritana u fariisaiyaan baarlamaanka, waxaana muuqata in ilaa hadda ay jirto dhimasho iyo dhaawac.

Warar hordhac ah oo aan ka helnay ilo katirsan ciidamada Ammaanka Baarlamaanka sugayay ayaa sheegaya in la dhaawacay 4 kamid ah askarta ciidamada Puntland, sida aanu kasoo xiganney Puntland Times.

Xilliga la weerarayay xarunta Baarlamanka Puntland wax shaqo ihi kama soconin, balse waxaa ku sugnaa ciidamo u gaar ah ilaalinta Baarlamanka, kuwaasoo ay is rasaaseeyeen kuwii soo weerartamay, waxayna wararku sheegayaan inay arrintani salka ku hayso khilaaf u dhaxeeya MW Puntland iyo Guddoonka Baarlamanka.

Magaalada Garoowe ayaa iminka laga maqlayaa rasaasta dhacaysa, iyadoo ay sidoo kale jiraan waanwaan lagu doonayo in xaaladda lagu qaboojiyo, iyadoo ay arrintani tahay mid ay la yaabban yihiin maxalliyiintu.

Hadalsame Media